Find Posts By Topic

Seattle City Light waxay kaa doonaysaa inaad u diyaar garowdo marka korontadu tagto

Waa waqtiga sanadka gaar ahaan marka cimiladu noqon karto cimilo caadi ah iyo cimilo leh qorax ayna noqon karto cimilo leh mugdi iyo duufaan muddo daqiiqo gudahood ah.Cimilada adag ee wadata dabeylaha iyo barafyada culus waxay keeni karaan koronto la’aan.Waxaan haynaa dhowr tilmaamood iyo agab oo ku saabsan sida aad u diyaarin karto oo aad qoyskaaga uga dhigi lahayd kuwo deganaan dareema, la socda, iyo arrinta ugu muhiimsan oo ah, inay badqab dareemaan muddo xiliyeedaan.

Diyaarso Agab
Samee xidhmo aad haysan doonto ugu yaraan todobo maalmood. Sidoo kale ha ilaawin xayawaanadaada!Si aad u hesho tallooyin ku saabsan waxyaabaha aad u baahan tahay, booqo seattle.gov/emergency-management/prepare.

Ka warqab
Hubi City Light Khariirada Go’itaanka Korontada si aad u hesho macluumaadkii ugu danbeeyay ee ku saabsan koronto kasta oo ka maqan xaafadaada iyo aagaga u dhaw. Waxaad sidoo kale Seattle City Light kala socon kartaa Twitter ama Facebook si aad u hesho macluumaad cusub. 

Hubi inaad iska diiwaangeliso ogeysiisyada degdega ah adigoo adeegsanaaya qoraalka aagaaga.

AlertSeattle: alert.seattle.gov

Alert King County: kingcounty.gov/ALERTKingCounty

Iska diiwaan geli Life Support Program
Haddii qof joogo gurigaaga uu ku tiirsan yahay qalabkaan, waxaanu ku siinaynaa caawimo kaa caawinaysa inaad ilaaliso badbaadada inta lagu jiro xiliyada korontada maqan tahay gaar ahaan kuwa la qorsheeyay iyo kuwa aan la qorsheyn iyada oo loo maraayo Life Support Equipment Program (Barnaamijka Qalabka Taageerada Nolosha). Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan barnaamijkaan iyo talooyinka lagu maareeyo qalabka nolasha ee ku shaqeeya korontada, booqo seattle.gov/city-light/life-support.

Marna gaas iyo shoolada dhuxusha haku isticmaalin gudaha guriga
Marka ay korontadu go’do, marna haku isticmaalin shoolada gaaska, shoolada dhuxusha, ama BBQs-ka gudaha guriga ama geerashka.Qiiqa wuxuu noqon karaa mid dilaa ah marka lagu jiro goobaha xiran.Soo dejiso qalabka lagu ogaado carbon monoxide kuna xiro guriga si aad oga fogaato xanuun ama dhimasho ay ugu sababto sunta carbon monoxide.

Ka fogee matoorada gurigaaga
Maadaama matooradu ay waxtar yeelan karaan inta lagu jiro xiliga korontada la’aanta, waxay u baahan yihiin in si taxadar leh loo isticmaalo. Marwalba isticmaal matoor la qaadi karo dhigna banaanka meel hawo wanaagsan leh.

Iska ilaali fiilooyinka korontada ee dhulka daadsan
Ka fogoow 30 fiit ugu yaraan laymanka korontada ee soo dhacay oo wac 911 si aad u ogeysiiso.

Qiimee geedahaaga
Maadaama inta badan caleentu ay soo dhaceen, hadda ayaa ah waqtiga ku habboon ee aad qiimeyn karto qaabka geedkaaga.Kor u eeg oo fiiri laamo jaban ama dilaacsan oo soo dhici kara marka dabeyl imaato.Haddii geedahaagu ay sababi karaan dhibaatooyin la xariira badqabka xargaha korontada buuxi foomkeena geedka ama wac (206) 386-1733.\

City Light waxaa ka go’an inay dib ugu soo celiyo macaamiisheena korontada sida ugu dhaqsiyaha badan iyo sida badbaadada leh ee suurtagalka ah iyadoo la ilaalinaayo badbaadada shaqaalaheena. Haddii aad dooneyso macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sida loo diyaariyo ka hor, inta lagu jiro, iyo kadib markii korontadu go’do, booqo Powerlines Blog (Baloogyada Laymanka Korontada).